Madaxweynaha Puntland: ha laila tartamo
Madaxwaynaha Puntland Cabdiraxman Sheekh Maxamed ayaa sheegay in ciddii doonaysa in ay u tartanto madaxtinimada Puntland loo baahan yahay in ay xisbi samaysato oo ay ka qaybgasho tartanka doorashada madaxtinimada.
Waxaa uu la hadlayay dad isugu soo baxay Magaalada Eyl oo uu Madaxwaynuhu labadii maalmood ee lasoo dhaafay uu socdaal ku joogay
Bishii Sebtember ayaa marki ugu horreysey Puntland waxaa laga furay xisbiyada siyaasadda.
Doorashada golayaasha degaanka ayaa waxaa laga qaban doonaa 21-ga degmo ee uu ka koobanyahay maamulka Puntland sanadka 2013.
Xisbiyada siyaasadeed ee la diiwaan-galiyo ayaa u tartami doona kuraasta golayaasha degaanka.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh ayaa hayay hogaanka Puntland tan iyo sanadkii 2009-ka, xilligaasi oo loo doortay in uu jagadaasi qabto.


