Madaxweynaha Soomaalia oo Amaan u Jeediyay Ciidamada Qalabka Sida

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay guulaha is daba-jooga ay gaareen ciidanka qalabka sida in ay dar-dargelisay kaddib markii ay qaateen mushaharkoodii  ay xaqa u lahaayeen iyo garaankoodii ay qaadan jireen ciidamadu.

Mudane Xasan ayaa sheegay in ay sii socon doonto dib u xorreynta dalka Soomaaliya oo ay al-Shabaab kala wareegeen gobollada iyo magalooyinka Shabeellaha hoose iyo magaallo xeebeedka Kismaayo.
Madaxweynaha ayaa hadalkan shalay ka sheegay kalfadhiga baarlamaanka Soomaaliya oo codka kalsoonida lagu siinayay ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
Sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka warbixiyay 38-ka maalmood ee uu ku sugnaa xafiiskiisa, isagoo xilka madaxtinnimada dalka uu sii heyn doono muddada 4-ta sano ee soo socota.
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud  waxa uu mar kale amaan u soo jeediyay ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM oo dadaalo dheer  uga jira siday uga sifayan lahaayeen gudaha  dalka  Alshabab.

FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO