Madaxweyne Xasan shiekh oo lagu wado inuu Kampala kula kulmo madaxweynayaasha dalalka kenya iyo masar

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gaaray Magaalada Kampala ee dalka Ugandha ayaa maanta waxaa lagu wadaa inuu kulamo gooni gooni ah la qaato masuuliyiin kala duwan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa lagu wada inuu lakulmo Madax kala duwan oo uu kamid yahay Madaxweynaha dalka Kenya kaasi oo ay kawada hadlayaan arimaha dalka Soomaaliya iyo isbedelada dhacay.

Wararka Kampala ee dalka Ugandha ka imaanaya ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kale Madaxweynaha dalka Soomaaliya uu lakulmayo Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Mursi oo ay kawada hadlayaan arimo dhowr ah.

Kulanka Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo sidoo kale Madaxweynaha dalka Kenya ayaa wuxuu kusoo aadaya xilli ciidamada dalka Kenya ay ku sugan yihiin Magaalada Kismaayo islamarkaana wararka qaar ay sheegayaan in Kenya ay dano gaar ah ka leedahay Magaalada Kismaayo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale markii uu ka qeybgalo xaflada sanadguurada 50-aad ee kasoo wareegatay markii xurnimada ay qaateen dalka Ugandha kadib wuxuu kulan la qaadan doonaa jaaliyada Soomaalida ee dalka Ugandha.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya waa safarkii ugu horeeyay ee uu dalka kaga ambabaxo islamarkaana uu ku tago dalka dibadiisa tan iyo markii lasoo doortay.


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO