Madaxweyne Xasan shiekh oo ogu baaqay xildhibaanada barlaamanka inay taageeran r/wasaaraha cusub

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay isbedalada dalka Soomaaliya ka dhacay.

Xasan Sheekh Madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay inuu u rajeynayo dalka Soomaaliya waa cusub oo siyaasadeed inuu ubiloowday oo ka duwan kuwii hore.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha dalka Soomaaliya inuu urajeynayo Ra’iisul Wasaaraha cusub inuu la jaanqaado xaalada dalka Soomaaliya iyo isbedalada dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka ayaa ka codsaday xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya inay si wanaagsan ula shaqeeyaan Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya si uu uguto waajibaadkiisa shaqo ee horyaala.

“Xukuumadda cusub ee lasoo dhisaayo waa halka aan ka doonaynayo inay ka timaado dhaqanka cusub ee dowladdnimada ah iyo waaga cusub ee inoo baryay”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guul urajeeyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya iyo inuu guto waajibaadka loo igmaday.

Muddo 26-cisho oo lasugaaye in lasoo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shalay ugu dambeyn Xaflad ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya waxaa lagu soo magacaabay Cabdi Faarax Garaad Shirdoon Saacid oo noqonaya Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya.


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO