Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Hambalyo U Diray Shacabka Soomaaliyeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacbiga Soomaaliyeed iyo guud ahaanba umadda Muslimiinta ah ee caalamka ku nool ugu hambalyeeyey Munaasabadda Ciidul Adxa oo guud ahaan caalamka looga dabaal degayo maanta.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dalka oo shacbiga Soomaaliyeed u mariyey fariin uu ugu talagalay Munaasabadda Ciida waxa uuna yiri “ dhamaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka kaga nool yihiin waxaan leeyahay CIID WANAAGSAN CIID MUBAARAK waxaana Alle ka rajeynayaa inuu Umadda Soomaaliyeed uu sanadkaan sanadkiisa ku gaaro nabad”.
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa umadda Soomaaliyeed ka codsaday iney fadliga Ciidul Adxa ay isku cafiyaan oo ay u soo jeestaan aayaha Dalkooda si hormar loo gaarana ay tahay lagama maarmaan in Umaddu is cafiso maanta oo kale.
Madaxweynaha Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay hada heystaan fursad qaali ah taasina loo baahanyahay in laga wada faa’ideysto wadada looga faa’ideysan karana ay tahay isku duubni iyo is maqal.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa fariin gaar ah waxa uu u diray waalidiinta Soomaaliyeed oo uu ka codsaday iney carruurtooda la qalday u caqli celiyaan oo ay kusoo daraan safka Midnimada si ay uga qeyb noqdaan hormarka Dalkooda.
Hambalyadaan oo kale ayaa iyana diray Raysal wasaaraha soomaaliya Dr Saacid gudoomiya baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari iyagoo dhamaantood umada soomaaliyeed u diray hambalyada ciida.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


