Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Sheegay In Isbedel lagu samynayo Hey’adaha Dowlada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay wali ku mashquulsan yihiin dhismaha Xukuumada cusub ee Soomaaliya, isagoo ka dhawaajiyay inay is bedel ku sameynayaan Hey’adaha dowladda, si loo soo celiyo heykalkii dowladnimo iyo qeybihii kala duwanaa ee dowladda laheyd.

Hadal uu shalay ka jeediyay Martiqaad uu u sameeyay Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin ka tirsanaa Xukuumadii hore ayaa waxaa uu sheegay inay tiigsanayaan wado cusub, si is bedelka dalka ka jira uga mira dhaliyaan.

“Waxaa kaliya rabaa hal fariin inaan ka gudbiyo oo aan u gudbinayo madaxda dowladda iyo xildhibaanada meesha fadhiya oo ah dhamaantiin waxaa ku mashquulsanahay oo ku jirnaa dowlad dhisida sidii aan u dhisi laheyn heykalkii dowladnimo iyo qeybihii kala duwanaa ee dowladda, wixii aan noo sameysneyn hada aan sameyno, wixii horay noogu sameysnaa dib u habeyn iyo sii xoojin inaan ku sameyno”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xilligan ay isku dayayaan sidii waxyaabihii horay loo qabtay wax ka duwan ula imaan lahaayeen, isagoo tibaaxay in aanay habooneyn waxyaabihii horay u shaqeyn waayay in lagu noqdo.

“Waxaan rabnaa inaan qaadno wado cusub oo aan horay loo qaadan, wado aan is leenahay dhexda laga soo noqday ee hala dhameystiro, wado aan ognahay horay inta aan u qaadnay meel cidlo iyo duur inta na geyneyso gadaal aan u soo noqono”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in xilliyadii KMG lagu jiray ee min 2000 ilaa xilligan la sameeyay isku dayo, balse ay jireen duruufo sahli waayay in la gaari waayo, kuwaasoo u sababeeyay arrimo qarsoonaa iyo kuwo aan qarsooneyn.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa sheegay inay doonayaan in dowlad shaqeysa oo dalka dhan hanata, isla markaana sharafta iyo karaamada umada laheyd dib u soo celisa ay sameeyaan.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya, iyadoo wali laga sugayo Ra’iisul Wasaaraha inuu soo magacaabo Golihiisa Wasiirada, waxaana muddo sagaal cisho ka harsan tahay mudada uu sharciga u siinayo inuu soo dhiso Golaha Xukuumada.


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO