Malaayiin Xujey ah oo Maanta Taagan Banka Carafo

Malaayiin Muslimiin ah Xujey ah oo ka kala socda Caalamka daafihiisa ayaa maanta u taagan Baanka Carafo, iyadoo inta badan dunida Muslimka laga sooman yahay maalinta sagaalaad ee bisha Dulxaj.

Xujeeyda ayaa marka ay ka gudbaan Banka Carafa waxa ay usii gudbiyaan magaalada Musdalifa halkaasi oo ay ku hooyanayaan caawa.

Intaasi kadib ayaa xujeeyda waxa ay bilaabayaan dhagaxtuurka Sheydaanka koowaad taasi kadib ayaa waxa ay xiiranayaan timaha,

Dhanka kale waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka goobaha ay isugu yimaadeen xujeeyda, waxaana halkaasi la geeyay gaadiid badan oo ay ku jiraan gaadiidka gurmadka si halkaasi qofkii dhibaato ay soo gaarto loogu daad gureeyo.

Ilaa iyo hada waxaa la soo wariyay in labo ruux Soomaali ah ay geeriyootay, inta aanay bilaaban gudashada Xajka, Oday Soomaaliyed ayaa jiiray Gaari, halka qof dumar ahna xanuun ay la dhimatay, waxaana waxyaabaha layaabka ahaa ay aheyd in Haween Xujey ahaa ay ku umuleen Hotelada ay degenaayeen.

Diyaarado Helicopter ah ayaa waxaa la sheegay in ay dul heehaabayaan goobaha xujeeyda ay ku sugan yihiin iyadoo malaayiin muslimiin ah ay ku sugan xajka sanadkaan.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO