Man United, Barcelona iyo Bayern Munich Oo badiyay
Manchester United ayaa guul ay u dagaalantay oo 3-2 ka gaartay kooxda reer Portugal ee Sporting Braga, ciyaar xiiso laheyd oo ka dhacday garoonka Old Trafford.
Kooxda Manchester United ayaa gool looga naxsaday daqiiqadii labaad ee ciyaarta. Ka dib markii kooner uu soo tuuray Hugo Viana uu madax ku dhaliyay Alan.
5 daqiiqo ka dib waxaa United gool u soo celiyay Javier Hernandez ka dib markii uu madaxeeyay karoos uu soo dhigay xiddiga reer Japan Shinji Kagawa.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaana ku dhamaatay 2-1 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida ah ee Braga.
ciyaarta ay noqotay miud dhameystiran ka dib markii Javier Hernandez uu hogaanka u dhiibay islamarkaana dhaliyay goolkii 3aad ee ciyaarta daqiiqadii 75aad, isagoo madax ku dhaliyay karoos fiican oo ka yimid Tom Cleverley.
Guushaas ay gaartay Man United ayaana ka saaciday inay 9 dhibcood ku qabtaan hogaanka Group H seddex kulan oo ay ciyaareen.
Kooxda Barcelona ayaa guul soo daahday oo 2-1 ah ka gaartay kooxda Celtic oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou, ka dib gool guusha ah oo uu dhaliyay dhamaadkii ciyaarta ciyaaryahan Jordi Alba.
Halka Kooxda Bayern Munich ayaa guul ciriiri ah ka gaartay kooxda Lille ka dib markii ay uga badiyeen 1-0.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


