Man United Oo Ka Badisay Chelsea Oo 9 Nin Lagu Soo Reebay
Manchester United ayaa markii ugu horeysay muddo toban sanadood ah ku badisay kulan horyaal ah garoonka Stamford Birdge, ka dib markii ay sagaal ciyaaryahan oo Chelsea ah ku dubteen 3-2.
Seddex daqiiqo markii ay ciyaarta socotay waxaa durbadiiba hogaanka ciyaarta qabatay Manchester United, iyagoo helay counter attack fiican islamarkaana baasas ay iswedaarsadeen Rooney iyo Young ay keentay in Rooney uu kubad u dhigo Van Persie kaasoo darbadiisa goolka ay ka soo celisay birta laakiin kubada birta ka soo laabatay ayaa waxa ay ku dhacday David Luiz sidaas ayayna shabaqa ku gashay.
12 daqiiqo markii ay ciyaarta socotay Man United oo 10 sanadood ay ugu danbeysay inay ku badiyeen kulan horyaal ah Stamford Bridge ayaa goolkii labaad heshay, markii Valencia uu kubad dhanka midig uga soo dhigay Van Persie kaasoo isna shabaqa ku hubsaday.
Robin van Persie ayaa noqday ciyaaryahanka goolasha ugu badan ku dhaliyay Stamford Bridge isagoo marti ku ah taariikhda Premier League, waxaana goolkaas uu ahaa goolkiisii 6aad ee uu Chelsea gurigeeda kaga dhaliyo.
Chelsea ayaana qeybihii danbe ee qeybtii hore ee ciyaarta cadaadis saartay Man United, iyadoo Evans uu ku sigtay inuu gool iska dhaliyo, halka David De Gea uu kubada madax ah oo halis ah ka badbaadiyay Gary Cahill iyo Fernando Torres.
Chelsea ayaana heshay gool ay u qalantay daqiiqadii 44aad markii Juan Mata uu laad xor ah oo sidiisa ah dabamariyay goolhaye De Gea, waxaana uu gool u soo celiyay kooxda martida loo ahaa.
Mata ayaana u muuqday mid barbareeyay ciyaata ka hor dhamaadkii qeybtii hore, iyadoo Torres uu kubad u dhigay Mata kaasoo isna la kor tagay goolhaya De Gea laakiin goolhayaha reer Spain ayaa badbaadiyay fursadaas qaaliga aheyd.
Waxaan qeybtii hore lagu kala nastay 2-1 oo ay hogaanka ku heysay kooxda Manchester United.
Chelsea ayaana si caaboon ku bilaabatay qeybtii labaad, iyagoo helay goolka barbaraha daqiiqadii 53aad, markii kubad uu dhanka bidix ee ka soo qaaday Oscar uu madax ku dhaliyay ciyaaryahanka ay isku wadanka yihiin Ramires.
Ciyaarta oo 30 daqiiqo dhiman ayaase Chelsea ay soo foodsaartay dhabar jab weyn ka dib markii Ivanovic uu qalad ku galay Ashley Young oo goolka u furan, waxaana loo taagay casaan toos ah, iyadoo Chelsea ay noqotay 10 ciyaaryahan.
Laakiin daqiiqadii 68aad ayayna Chelsea xaalada ku sii xumaatay ka dib markii go’aan muran weyn uu ku jiro oo uu sameeyay garsooraha ay keentay in casaan isna uu qaato Fernando Torres.
Torres ayaa jaale labaad lagu siiyay ka dib markii garsooraha uu tilmaamay inuu istuuray, laakiin ku celiskii la daawaday waxa ay muujineysay in Evans uu waxoogaa taabtay Torres. Waxaana Chelsea ay ku soo hartay sagaal ciyaaryahan iyadoo ciyaarta ay 20 daqiiqo ka harsan tahay.
Manchester United ayaana fursad fiican heshay, waxaana hogaanka ay mar kale qabteen daqiiqadii 75aad markii Chicharito oo bedel ku soo galay uu gool shabaqa ku hubsaday, xilli Cech uu iyo daafacyada Chelsea ay fursad ka badbaadiyeen Van Persie islamarkaana Rafael uu darbo xoog leh soo tuuray taasoo uu Chicharito shabaqa ku hubsaday.
Goolkaas Chicharito ayaa Man United u xaqiijiyay guul weyn oo ay gaareen Stamford Bridge ciyaar horyaalka ah markii ugu horeysay muddo 10 sanadood ah.
Chelsea ayaa guuldaradii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka ee horyaalka soo gaartay, waxaana ay horyaalka ay ku hogaaminayaan 22 dhibcood, halka Manchester United iyo Manchester City ay leeyihiin 22 dhibcood.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


