Man Utd Oo Dhibcaha Ka Aruursatay Kooxda Stoke
Manchester United ayaa guul muhim ah kaga gaartay garoonkeeda Old Trafford kooxda Stoke City ka dib markii ay ku dardareen 4-2.
Stoke City ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 11aad ka dib markii laad xor ah oo uu soo tuuray ciyaaryahanka khadka dhexe ee Stoke Charlie Adam uu shabaqa madax isaga geliyay Wayne Rooney.
Goolkaas uu iska dhaliyay Rooney oo u dabaaldegaya sannadguuradiisii 10aad ee markii uu ciyaaray horyaalka Premier League ayaana hogaanka u dhiibay kooxda martida aheyd.
Laakiin Rooney ayaa diiday inuu sidaas kula dabaaldego sannadguuradiisii 10aad isaga ayaana barbareeyay goolkii uu iska dhaliyay ka dib karoos ka yimid Van Persie markii uu madaxa si fiican u la helay daqiiqadii 26aad.
Rooney ayaa ah ciyaaryahankii labaad ee Man United ee goolka iska dhaliya, goolna u dhaliya kooxdiisa isla hal ciyaar oo Premier League ah ka dib David Beckham.
Man United ayaana hogaanka ciyaarta qabatay markii ugu horeysay daqiiqadii 44aad ee ciyaarta markii Robin van Persie uu kubad uu ka helay Valencia shabaqa ku hubsaday, waana goolkiisii lixaad ee Pramier League 7 kulan oo uu u saftay Man United.
Waxaana lagu kala nastay qeybtii hore 2-1 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester United.
Bilowgii qeybta labaad ayay Man United sii dheereysatay hogaankeeda, markii karoos ka yimid Wayne Rooney uu madaxa ku dhaliyay Danny Welbeck, iyadoo goolkaas iyo goolashii ka horeeyay ee ka dhashay Old Trafford ay ahaayeen kuwa madax lagu dhaliyay.
Laakiin Red Devlis ayaan hogaankaas si wacan ugu raaxeysan ka dib markii Stoke City ay heleen goolkoodii labaad oo uu u saxiixay ciyaaryahan Kightly daqiiqadii 59aad, kaasoo ciyaarta ka dhigay 3-2.
Wayne Rooney ayaase walwal tiray Manchester United markii uu dhaliyay goolkiisii seddexaad ee ciyaarta ahaana goolkiisii labaad ee uu Man United u dhaliyo ciyaarta daqiiqadii 65aad markii uu shabaqa ku hubsaday goolkii afaraad, isagoo ciyaarta ka dhigay 4-2.
Goolkaas ugu danbeeyay ee Rooney ayaana u xaqiijiyay kooxda Shayaadiinta Cas Cas seddex dhibcood oo muhim ah oo ay ku heleen garoonkooda Old Trafford.
United ayaa kaalinta labaad kaga jirta horyaalka Premier League iyagoo afar dhibcood u jira kooxda hogaanka heysa ee Chelsea, kuwaasoo iyagana natiijo la mid ah tan United kaga soo badisay kooxda Tottenham ciyaar tan ka horeysay.
Man United iyo Chelsea ayaa kulan la sugi la’ yahay oo Premier League ah isaga horimaan doona 28ka bishaan October isbuuca soo socda.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


