Maraakiib Dagaal oo La Sheegayo Inay ku Sugan Yihiin Hobyo
Waxaa lagu soo waramayaa in degmada Hobyo ee gobolka Mudug ay maraakiib dagaal ay ku sugan yihiin xeebta kuwaas oo aan la garanayn ujeedada ay leeyihiin iyo waxa ay wadaan.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Hobyo Shariif Wada-Cade ayaa u xaqiijiyay in maraakiibtaas oo halkaas ku sugan yihiin ilaa mudo oo aanay ka maamul ahaan wax ay ka war qabaan aanu jirin.
Sidoo kale waxaa la sheegay in shalay galabtii mid ka mid ah maraakiibtaas laga soo tuuray wiil dhalinyaro ah oo nool,kaasi oo markii la soo badbaadiyay sheegay in ay ahaayeen 7 ruux oo kaluumaysato ah oo ay ka soo qabsadeen xeebta Cadale iyagoo ka kaluumaysanaya ,waxaa uu intaas ku daray in ay haystaan 6 kale oo dhalinyaro ah.
Maraakiibta dagaal ayaa ku soo badanaaya xeebaha soomaaliya kuwaas oo ku andicoonaaya in ay la dagaalamayaan burcad badeed,wallow anay jirin wax muuqda ka qabteen burcad badeeda.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


