Maxkamad Ku Taala Magaalada Garoowe Oo Nin Ajnabi Ku Xukuntay Dil Toogasho Ah
Maxkamada darajada koowaad ee Gobolka Nugaal ayaa maanta dil toogasho ku xukuntay nin u dhashay dalka Yemen oo lagu magacaabo Saalix Cafiifii, kaasoo lagu soo eedeeyay in Dooni hub sida uu xeebaha Gobolka Bari ee Puntland soo gelinayay.
Ninkan eedeysanaha ah oo da’diisa lagu sheegay 50-jir ayaa Maxkamada ku heshay dambi inuu hub ka kooban qoryaha garbaha laga rido, bastoolado iyo budada laga sameeyo waxyaabaha qarxa uu soo gelinayay deegaanada Puntland.
Dacwad oogaha Maxkamada ayaa sheegay in dambiga ninkan ku cad yahay, isla markaana Ciidamada Badda Puntland ay gacanta ku soo dhigeen ninkan u dhashay dalka Yemenin.
Eedeysanahan ayaa la sheegay in Doonidan uu ka soo kaxeeyay magaalada Mukala ee dalka Yemen, halkaasoo uu ka soo qaaday Hubka uu soo geliyay deegaanada Puntland.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Sirdoonka Puntland ayaa sheegay in Hubkan uu ahaa mid loo waday Al-Shabaab, isla markaana la doonayay in weeraro lagaga geysto deegaanada Puntland.
Puntland ayaa dagaal kula jirta Maleeshiyaad Islaamiyiin ah oo saldhig ku leh Buuraha Galgala, iyadoo horaantii sanadkan ay ku biireen Al-Shabaab oo iyana horay ugu biirtay Ururweynaha Al-Qaacida.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


