Maxkamad Ku Taala Wadanka Jarmalka Oo Xabsi Ku xukuntay Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Gaaraya ilaa 10 ruux

Maxkamad ku taalla dalka Jarmalka ayaa  xukun u dhexeeya saddex ilaa toddoba sano ku ridday 10 nin oo burcad badeed Soomaali ah, kuwaasoo lagu helay dambi ah in ay afduubteen markab dalkaas laga leeyahay.

 

 

 

Maxkamada oo ku taalay   gobolka Hamburg ee dalka Jarmalka  waxa ay Todobo ka mid ah Burcadbadeedaasi ku xukun qofkiiba Todobo sano halka sadaxda kalana lagu xukumay min sadax sano xarig ah,ayagoona lagu loo haysto sadaxdaa in ay caawinaeen 7 kale oo xukun ka dheer lagu riday.

 

10 nin ee la xukumay ayaa waxaa mid kamid ah uu ku tilmaamay xukunkaa in uu yahay mid sharci daro ah maadaama ayuu yiri ay dalkooda Soomaaliya dhibaato ay ku joogeen hadana qurbaha lagu xuikumay.

 

bishii April sanadkii 2010 ayaa Burcadad badeedaani la xukumay waxaa gacanta ku soo dhigay Dowladda Holand xili ay sii daayeen markabka MV Taipan kadibna waxa ay ku wareejiyeen Dowladda Garmalka oo haatan iyado xukuntay


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO