Maydka 5 askari oo Kenya ah oo laga duuliyey Kismaayo
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in mudadii ay ku jireen dagaalka ay ku galeen dalka Soomaaliya si ay uga saaraan kooxda al-Shabaab magaalada Kismaayo ay kaga dhinteen ilaa 23 askari, isla markaana ay ku dhaawacmeen ilaa 100 askari oo kale.
Ciidamada Kenya oo hadda hoos taga ciidamada Midowga Africa ee ka howlgala Soomaaliya, ayaa galay magaalada Kismaayo iyadoo ay la socdaan ciidamo ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya iyo kuwa maleeshiyada Islaamiga ah ee Raas-Kambooni.
Waxay ku qaaday muddo sanad ah ciidamada Kenya in ay qabsadaan Kismaayo kadib markii ay bilaabeen howlgal ay sheegeen in ay ku sugayaan amniga Kenya oo qatar galay markii dad ajnabi ah lagu dilay ama laga afduubay goobaha dalxiiska loo tago.
Waxaa howlgalkii ay bilaabeen bartamihii bishii October ee sanadkii hore uu soo gabagaboobay bilowga bishan October.
Ma cayinna muddada ciidamada Kenya ay joogi doonaan magaalada Kismaayo iyo gobolada la xiriira, sida uu warfidiyeenada
u sheegay ra’iisul wasaare ku xigeenka hadda u sharaxan madaxtinimada dalka Kenya, Musalia Mudavadi.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


