Michael Ballack, oo Guud Ahaan Kubadda Cagta Ka Fariistay.
Kubad qaabeeyihii kooxaha Bayern Munich, Chelsea iyo Bayer Leverkusen, ayaa ku dhawaaqay inuu soo gaba gabeeyay mustaqbalkiisii kubadda cagta.
Kabtankii hore ee Qaranka Jarmalka Michael Ballack oo 36 jir ah ayaa ciyaartihiisii ugu dambeysay u ciyaaray Bayer Leverkusen 5tii bishii May ee sanadkaan.
Warkaan ayaa waxaa shaaciyay walkiilkiisa Michael Becker, October 2.
“Waxay ii aheyd fursad qaali ah inaan la soo shaqeeyo Tababareyaal iyo Ciyaartoy caalami ah, waana u xiisi doonaa inaan ku hor ciyaaro 80,000 taageerayaal ah iyo sidoo kale inaan goolal dhaliyo.”
Wuxuu kula guuleysay kooxda Bayern Munich 3 koob mudo afar sano ah. Sidoo kale Chelsea ayuu kula guuleystay 1 koob oo Premier League ah, 3koob oo FA Cup ah, iyo 1koob oo League Cup (Carling Cup) ah.
Ballack ayaa qarankiisa kumatalay 98 kulan oo heer caalami ah.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


