Milkiilaha Chelsea Abramovich Oo doonaya In Radamel Falcao u Keeno Stamford Bridge bisha Janaayo

Roman Abramovich ayaa u sheegay agaasimayaasha kooxda Chelsea inay ka shaqeeyaan sidii ay 46 milyan ginni ugu la soo wareegi lahaayeen Radamel Falcao bisha Janaayo. Sida ay qortay Daily Mail.

Milkiilaha Chelsea ayaa u bartilmaameedsaday in weeraryahanka Colombia uu yahay xiddiga xiga ee uu doonayo inuu yimaado Stamford Bridge, waxaana uu ku amray shaqaalihiisa Chelsea inay diyaarinayaan dalab ay kula soo wareegaan bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Xiddiga kooxda Atletico Madrid ayaa xiiseynayay Chelsea markii uu joogay Andre Villas-Boas, waxaana kooxda ay indha indheyn ku waday muddo badan inkastoo tababaraha reer Portugal la ceyriyay.

 

 

Madaxda Chelsea ayaa la fahamsan yahay inay kalsooni ku qabaan inay heshiis la gaari karaan Atletico Madrid, iyadoo ciyaaryahanka uu u furan yahay inuu u dhaqaaqo London, halka kooxda reer Spain ay diyaar la tahay inay iska iibiso. Laakiin caqabada kaliya ee ka horimaan karta waa qiimaha ciyaaryahanka.

Falcao ayaa heshiikiisa Atletico Madrid lagu burburin karaa 46 milyan ginni, mana dooneyso Atletico in lacag intaas ka yar ay ku weyso hantideeda ugu qaalisan.

Chelsea ayaa isku dayi doontaa inay wada xaajood ka gasho qiimo intaas ka yar, laakiin jaceylka uu Abramovich u qabo inuu Falcao ku arko maaliyada buluuga ah ayaa keeneysa in kooxda ka dhisan galbeedka London ay sameyn doonto wax walba ay ku qaadato inay la soo saxiixato 26 jirkaan.


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO