Nin somali ah oo maxkamadeeyntiisu kasocoto wadanka mareeykanka

Waxaa isbuucii seddexaad maxkamadeyntiisa dalka Mareykanka ka socotaa muwaadin Soomaali Mareykan ah oo isaga lagu eedeyay inuu caawiyay dhalinyaro Mareykan ka soo tagtay oo u soo socdaalay dalka Soomaaliya si ay uga barbar dagaalamaam Al-Shabaab.

Maxkamada ayaa ilaa iyo iminka dhageysaneysa dacwada loo haysto Omar oo ah in lacag iyo fikrad uu ku caawiyay dhalinyaro Marenkanka ka soo tagay si ay qeyb kaga noqdaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee dowlada Soomaaliya ka soo horjeeda.

Marqaatiyaal dhowr ah oo loo helay islamarkaana ay ku jiraan seddax ruux oo Al-Shabaab horay ugu biiray kadibna dib ugu laabtay Mareykanka ayaa waxa ay ku cadeeyeen in lacag uu u aruurin jiray dhalinyarada safreysa inuu usameyay guri ay isugu yimaadaan marka ay doonayaan inay wadatashi sameeyaan oo ku aadan u soo ambabixitaanka Soomaaliya,sidoo kalena waxa uu u iibiyay qoryaha loo yaqaano AK-47.

Sidoo kale Omar ayaa maxkamada waxa ay sheegtay in magaciisa iyo magaca hooyadii in uu badalay,kaasi uu ku xardhanaaa Baasapoorkiisa,waxaana dadka ay ugu yeeri jireen markii ay arkaan Shariif aan magaciisa ahayn.

Omar maxkamadeyntiisa ayaa gashay isbuucii Seddexaad waxaa uuna wajahay baaritaano dheer oo lagu doonayay in lagu ogaado danbigiisa,balse ilaa iyo iminka cumar waxa uu ku adkeysanayaa in uusan wax lug ah ku lahayn arimahaasi oo dhan waana taasi mid keentay in soo jiidanto maxkamadeynta Cumar ee ka socoto dalka Mareykanka.

Maxkamada dalka Mareykanka ayaa waxa ay tilmaamtay in marqaatiga ugu tahay FBIDA maadaama Cumar kiiskiisa iyo in la soo qabto ay FBIda ka danbeyso,cumar in mudo ah waxa uu ku xirnaa dalka nedarlan halkaasi in ka badan labo sano uu xabsi ku jiray,halkaasina waxa uu u tagay magangalyo raadis balse waa uu heli waayay.


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO