PSG Oo Ka Baxday Tartanka Loogu Jiro Ashley Cole, Iyadoo United Iyo City Ay Isagu Soo Hareen.
Ashley Cole ayaa laga yaabaa inuu sii joogo Premier League ka dib markii agaasimaha PSG Leonardo uu sheegay inaysan u dhaqaaqi doonin daafaca Chelsea.
Kooxaha ku xafiiltama Manchester ee City iyo United ayaana si hoose u la socda xaalada Cole ka dib markii la sheegay in daafaca bidix uu diiday inuu heshiis hal sanno ah u saxiixo kooxda Blues.
PSG ayaa u muuqatay kuwa ugu cadcad saxiixa Cole, ka dib markii la sheegay inay u soo bandhigeen heshiis seddex sanno ah oo uu wadar ahaan ku qaadanayo 23 milyan ginni, halka Real Madrid ay sidoo kale isha ku heyso 31 jirkaan.
Tababarihii hore ee Cole Carlo Ancelotti ayaa tababare ka ah kooxda lacagta badan ee ka dhisan caasimada Faransiiska, laakiin agaasimaha PSG Leonardo ayaa sheegay in heshiiska Lucas Moura ka dib inaysan dooneynin inay soo iibsadaan ciyaaryahan kale bisha Janaayo.
Blues ayaa laga yaabaa inay iska dirto Cole bisha Janaayo hadii Ryan Bertrand uu sii wado horumarka uu ku sameynayo Stamford Bridge.
Cole ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo heshiis labo sanno ah, halka kooxda heysa Champions League ay dooneyso kaliya inay ka saxiixdo heshiis hal sanno ah
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


