Qaramada midoobay iyo Midowga Yurub oo taageeray r/wasaaraha cusub
Ergayga gaarka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr Augostin Mahiga ayaa si weyn u soo dhaweeyay magacaabista xilka Raysal wasaaraha Soomaaliya kaasi oo loo magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon.waxa uuna ku dhiirageliyay Mahiga Raysal wasaaraha cusub inuu horay utalaabsado si uu kaga soo baxi howsha hortaalo.
Augostin mahiga ayaa ku amaanay Raysal wasaaraha cusub waaya aragnimda uu leeyahay taasi oo ku saacideysa inuu xilka si fiican u guddo,waxa uuna ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu soo magacaabo Gole wasiiro oo tayo leh kuwaasi oo howshooda ay haboon tahay.
Sidoo kale Mahiga ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiiq Maxamuud ku amaanay sida wacan ee uu kaga fiirsaday soo magacaabista Raysal Wasaaraha Soomaaliya madaama Madaxweynaha in mudo ah ku qaadatay magacaabistiisa,taasi oo la ogyahay in Madaxweynaha Soomaaliya la tashiyo fara badan uu sameeyay sidii uu ku soo magacaabi lahaa Raysal wasaare howlkar ah dalka iyo dadkana wax u qabanaya.
Waxaa uu balan qaaday Mahiiga in Qaramada Midoobay ay taageero dhinac walba la garab joogto Raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon,waxa uuna ku dhiirigeliyay in howsha adag ee hortaaalo sida ay tahay kaga soo baxo.
Xukuumada cusub ee Soomaaliya waxa ay door muhiim ah ka ciyaari doontaa in dalka lagu soo dabaalo dowlad wanaagsan iyo nabad waarta taasi oo ka dhalata Soomaaliya,sidaasi waxa sheegay Mr Mahiga.
Dhanka kale Dowladaha Midowga Yurub ayaa sidoo kale waxa ay si weyn u soo dhaweeyeen Raysal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya loogu dhawaaqay.waxayna ku tilmaameen guul iyo hormar uu dalka Soomaaliya gaaray.
Ergayga gaarka ah Midowga yurub ee Soomaaliya Michel Carvone ayaa hadal uu soo saaray ku sheegay in Midowga Yurub si weyn u soo dhaweynayo Raysal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya,taasi oo dalka u keeni karta buu yiri dowlada waxqabad leh oo dadka ka saarta baahida ay u qabaan dowlada la’aanta.
Michel Carvone ayaa ugu hambalyeeyay Raysal Wasaaraha cusub magacaabistiisa uu u magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya.kaasi oo sheegay in uu u rajeynayo guul iyo hormar.
Midowga Yurub ayaa waxa uu tilmaamay in dowlada cusub ee Soomaaliya ay garab taagan yihiin islamarkaana taageero dhan walba ay siin doonaan.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


