Ra’iisul Wasaaraha cusub oo manta barlamaanka la horgeeynayo

Waxaa Maanta lagu wadaa in Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya la horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya si codka kalsoonida ay usiiyaan ama ay ugu diidaan.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa fadhigii ugu dambeeyay ee ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho qaar kamid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay ku dalbadeen in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya la horkeeno.

Sida uu horay usheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta oo ah Arbaco waxaa la horgeyn doonaa Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya si ay codka kalsoonida ah usiiyaan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa laguwadaa in dhankiisa Baarlamaanka Soomaaliya hortiisa uu ka jeediyo khudbad ku aadan waxbqadka Xukuumadiisa.

Lama oga in Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixin doono Ra’iisul Wasaaraha iyo sidoo kale inuu diido doono.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa 06-Bishaan aan kuguda jirno waxaa magacaabay Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO