Raysul waasaare Gaas oo si Rasmi ah Xilka ku wareejiyay R/Wasaaraha cusub CAbdi Shirdoon

 

R/wasaarihii hore ee xukuumadii ku meelgaarka ahayd Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyey R/wasaraaha cusub Cabdi Shirdoon.

Munaasabad xil wareejin ah oo maanta ka dhacday xafiiska R/wasaraaha ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar kamid ah golihii wasiirada xukuumada Gaas.

R/wasaaraha xilka wareejiyey Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in mudadii uu hayay xilka R/wasaaraha uu wax badan ka qabtay sidii dalka horumar loo gaarsiin lahaa isla markaana loogaga xoreyn lahaa ururka Alshabaab.

Gaas ayaa waxa uu sheegay in xukuumadiisa ay ku dhamaysatay waqtigeeda iyadoo aanay dhicin wax isqabqabsi ah. Wuxuuna ballanqaaday in uu ka sii shaqeyn doono sidii dalka horumar loo gaarsiin lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isna ka hadlay munaasabadan ayaa sheegay in ay tahay wax lagu farxo in dowlada ay noqotay mid rasmi ah oo laga baxay xilligii ku meelgaarnimada. Waxana uu ka codsaday R/wasaaraha cusub in uu soo dhiso dowlad tayo leh oo wax ka qaban karta dhibaatada dalka soomaaliya ka jirta.

R/wasaare Shirdoon oo lixdii bishan uu u magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa si aqlabiyad leh u ansixiyey baarlamaanka Soomaaliyeed.


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO