R/wasarihii hore ee Dowladdii KMG C/wali Gaas Oo Gaaray Magaalada Garoowe
R/wasarihii hore ee Dowladdii KMG haatana ah xildhibaan kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu maantay gaaray Magaaladda Garawe ee xarunta gobalka Nugaal.
C/wali maxamed Cali ayaa waxa uu maalmihii ugu danbeeyay booqasho kukala bixinayaya deegaano ka tirsan gobalka Mudug waxana ka mid ahaa magaaladda Galkacyo oo uu markii hore tagay iyo deegaano kale oo hoostaga.
Xildhibaan Gaas ayaa markii uu caga dhigtay garoonka Magaladda Garawe waxa ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan wasiirada Puntland,Odayaal,wax garad iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada,soo dhaweyn ka dibna waxaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Maamulka Puntland halkaa oo uu julamo kula qaatay M/weynaha maamulkaasi C/raxmaan shikh Maxamed Maxamuud Faroole.
Dr Gaas ayaa waxa uu durbadiiba lahadlay saxaafadda waxa uuna shaaciyay safaradda uu kukala bixiyay deegaanada Puntland asagoona ku micneeyay u kuur galida xaladaha ka taagan deegaanada Puntland.
Xildhibaan C/wali Maxamed Cali ayaa waxa uu ugu danbeeyn waxa uu beeniyay in ay jirin wararaka sheegaya in uudoonayo in uu noqdo musharax utaagan qabashada xilka M/weynanimo ee Puntland
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


