Sepp Blatter: “South Africa Waxay Ku Mashquuleen Niiko iyo Qoob Ka Ciyaar Iyadoo Shaqo Laga Sugayo.”

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Aduunka (FIFA) ayaa ku eedeeyay dalka South Africa in ay aad ugu mashquuleen ciyaarta qoob ka ciyaarka iyo niiko iyadoo laga sugyay in ay aabaabulaan oo diyaariyaan qaabkii ay u marti galin lahaayeen ciyaarihii aduuka ee wadankaasi lagu qabtay sanadkii 2010 ka.

 

Sepp Blatter, ayaa wuxuu ka hadlayay guul darooyinka soo wajahahay dalalkii hore u marti galiyay ciyaaraha aduunka qaarkood, iyadoo sanadka 2014 ka lagu wado in lagu qabto wadanka Brazil.

 

“Markaan u soo daadegno Africa, Afrikaanku waxay codka heleen 2004-kii iyadoo loo doortay in ay marti galiyaan 2010-ka, laakiin hal sano oo kaamil ah waxay ku mashquulsanaayeen qoob ka ciyaar.” ayuu u shegay saaxaafada Madaxaweyne Sepp Blatter.

 

“Kadib waxaan ku qasbanaanay in aan wacno una sheegno in ay shaqada bilaabaan, oo ay garoomada diyaariyaan, waxaan u sheegnay in howl adag laga sugayo ayna dhaqso howshaas u guda galaan.”

 

Iyaga hortood (South Africa) mudo 8 sano ka hor ah, waxaa ciyaaraha si wada jir ah u marti galiyay wadamada South Korea iyo Japan,  wuxuuna aad u amaanay labadaasi dal isagoo sheegay in ay si wanaagsan u maamuuseen ciyaarihii dalalkooda lagu qabtay 2002.

 

” S. Korea iyo Japan, diyaar ayey u ahaayeen waxayna dhiseen garoomo waa weyn oo farabadan, waxayna ilatahay in ay qabteen shaqadii laga rabay mid ka badan.”

 

 


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO