Toban Ciyaaryahan Oo Manchester City Ah Ayaa Guul Taariikhi Ah Ka Helay Kooxda West Brom

Toban ciyaaryahan oo Manchester City ah ayaa guul taariikhi ah ka helay kooxda West Brom ka dib markii ay ku dubteen 2-1, iyadoo dhamaadkii ciyaarta uu goolka guusha shabaqa ku hubsaday Edin Dzeko.

Manchester City ayaa iska caabin kala kulantay kooxda West Brom oo ay marti u ahaayeen, iyagoo awoodi waayay inay qeybtii hore shabaqa ka soo taabtaan.

Waxaana xaalada City sii murjiyay markii James Milner uu casaan toos ah ka qaatay , isagoo qalad ku galay Shane Long oo fursad u lahaa inuu gool dhaliyo.

Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah, iyadoo 10 ciyaaryahan ay ku soo hartay kooxda difaacaneysa horyaalka.

Inkastoo Man City ay ku ciyaareysay 10 ciyaaryahan qeybtii labaad hadana iyada ayaa ciyaarta inteeda badan maamuleysay, balse West Brom ayaa nasiib ku heshay inay shabaqa ka soo taabato ka dib markii uu hogaanka u dhiibay Shane Long.

Laakiin kooxda horyaalka difaacaneysa ayaan ka niyad jabin ciyaarta, waxaana u barbareeyay ciyaarta oo 10 daqiiqo dhiman Edin Dzeko oo wax yar ka hor markaas bedel ku soo galay, isagoo gool madax ahaa dhaliyay.

Edin Dzeko ayaana ahaa geesiga ciyaarta markii uu daqiiqadii 91aad shabaqa ku hubsaday goolka guusha ahaana goolkiisii labaad ee ciyaarta, isagoo City ku hogaamiyay guul ay u qalmeen madaama ay ciyaarta inteeda badan heysteen.

Man City ayaa waxa ay ku dhibco tahay Man United oo ay wada wadaagaan 18 dhibcood ka dib sideed kulan oo ay ciyaareen


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO