Urur Goboleedka IGAD oo kulan ku yeelanaya magaalada Kismaayo

wararka oo aan ka helnay ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya. Dhamaan 12-ka xubnood ee gudiga farsamada iyo madaxda saxiixayaasha. Ay dhowaan gaari doona magaaladda Kismaayo ee xarunta jubbada hoose.
Ciidanka Amisom ee kenya ka socda kuna sugan Kismaayo iyo Saraakiisha kale ee soomalida ayaa lagu war geliyay inay u diyaar garoobaan. Martigelinta Shirka gudiga farsamada iyo kan ku xigi doona ee shirweynaha doorashada madaxweynaha Jubaland oo isna ka dhici doona Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo.
Waxaa hada Garoonka Kismaayo ka socda dayactir xoog leh oo ay wadaan ciidanka Amisom. Sidoo kale waxaa dhisme iyo dayactir lagu bilaabay dugsiga sare ee Ganaane oo lagu wado in la dejiyo ergada ka iman doonta 15-ka degmo ee sadaxda gobol ee wax dooran doonta.
.Sidoo kale warar ku dhow dhow urur goboleedka IGAD ayaa waxay sheegayaa in la qorsheeyey dhamaystirka maamul goboleedka Jubaland inuusa dhaafin Bisha december ee sanadkan 2012.
waxaa jira Culays beesha caalamka ka imanaya oo sheegaya in si deg deg loo soo afjaro shirka gudiga farsamada ee Nairobi ka socda. Ka dibna shirweynaha loo raro magaalada Kismaayo. oo hada lagu wado inuu ka qabsoomo shirweynaha iyo doorashada maamulka Jubaland.
Waxaa sidoo kale jira shirar hoose oo ka socda gudaha Jubooyinka loogana baaraan degayo qaabka loo dhamaystiri lahaa howlaha iyo tasiilaadka shirweynaha Jubaland oo ka dhici doona. garoonka Diyaaradaha ee Kimsaayo sida aan ka xiganay illo wargaleen oo ku dhaw dhaw saraakiisha Xarakada Raaskambooni.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


