Wariyaasha ka Howl Gala Muqdisho oo Sameeyay Dibad Bax
Maanta ayaa isa soo bax balaaran oo ay samaynayaan dhamaan wariyayasha ka howl gala gudaha gobolka banadir soomaaliya waxa uu ka dhacay Caasimada Muqdisho.
Wariyayaasha ka soo qayb galay ayaa halkaas ka muujinayeen dareenkooda ku aadan hadal aflagaado ah oo ka soo yeeray wariye Jamaal Cismaan oo u shaqeeya channel 4 kaas oo jariirada The guardian ku qoray aflaagaado u gaysnaayo wariyayaasha ka howl gala caasimada Muqdisho iyo guud ahaan gobollada dalka, asagoo ku tilmaamay in ay yihiin burcad , sidoo kalena anay aqoon buuxda u lahayn mihnada saxaafadda.
Sidoo kale Jamaal Cismaan ayaa waxa uu ku qoray wargayska The Guardian in dilka wariyayaasha inta badan ay sababta iyago iska leeyihiin,dilalka loo gaystana qaar kamid ah ay is dilaan naf ahaantooda.
Isa soo baxaan ay isigu yimaadeen dhamaan wariyayaashu Tv yada ,Idaacadaha iyo Wakaaladaha ka howl gala caasimada muqdisho ayaa waxay ka codsadeen dowlada Soomaaliya in ay Jamaal soo taagto Maxkamad , sidoo kalena uu cadeeyo cida sida dhabta ah uga danbaysa dilaalka loo gaysanaayo wariyaasha taas oo uu isagu ku aaneeyay in ay is dilaan wariyayaashu.
Isu soo baxaan ayaa waxaa ka hadlay Xog hayaha Guud ee Ururka saxaafiyiinta qaran Soomaaliya ee NUSOJ Maxamed Ibraahim (Pakistaan) isagoo sheegay inay xariirkii u jareen wargayska the guardian ilaa inta ay jawaab cad ka soo bixinayaan maqaalkii ay 11 oct 2012 ay qoreen.
Wariyaasha isa soo baxaan joogay ayaa waxay siteen masawiro iyo Boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo ay ka mid yihiin ha dhaco The Guardian .
Ugu danbayntii ayaa waxaa uu ku soo dhamaaday isu soo bixii Wariyaasha si nabada iyadoo halkaas dhamaan ay ku suganaayeen saxaafiyiinta ka howl gasha caasimada soomaaliya ee Muqdisho, sidoo kalena waxaa la filayaa in isu soo baxyo kuwan kale ah in ay ka dhacaan gobollada dalka oo dhan.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


