Wariye Qosol Isku Celin Waayay Xili uu Ku Gudajiray Wareysi Si Toos ah Loo Daawanayay (Daawo Video)
Wariye u dhashay dalka Netherlands ayaa wuxuu barnaamij si toos ah looga daawanayay TV-ga uu u shaqeynayay ku wareysnayay gabar cuuryaan ah iyo nin dhuunta qaliin looga sameeyay isla markaana codkiisa uu badalmay
Wariyahaan oo lagu magacaabo Erik ayaa qosol isku celin waayay intii uu wareysiga socday, isagoo ku qoslayay mar walba oo uu hadlo ninka codkiisu badalmay ee barnaamijka martida ugu ahaa.
Waxaa ka darneyd markii qof kamid ah dadweynaha goobta fadhiyay la siiyay fursad uu su’aal ku weydiiyo martida barnaamijka, uu isna sidoo kale sheegay in qaliin lagu sameeyay uu codkiisa badalay, taas oo mar kale wariye Erik ku keentay in uu is heyn waayo oo uu qosol ooda jabsado.
Daawo sida ay arintaan u dhacday.
Wariye Erik iyo kooxdiisii ayaa laga ceyriyay shaqadii Telefishinka, barnaamijkaan dartiis.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


