Wariye Tuuryare Oo Xaaladiisa Caafimad Ay Soo Hagaagayso Kadib Xalay Dhaawac Soo Gaaray

Iyadoo xalay kooxo hubaysan ay Magaalada Muqdisho ku dhaawaceen wariye ka tirsan Idaacada Shabeele ayaa xaalada wariyahaasi la dhaawacay waxa ay tahay mid soo wanaagsanaanaysa.

Wariyaha oo xalay maqribkii kooxo hubaysan ay ku dhaawaceen xaafada xaawo taako Degmada Wadajir ayaa dhaawaciisa kadib waxaa loola cararay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah howlwadeenada Idaacada Shabeele ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xaalada wariyaha ay tahay mid soo hagaageysa islamarkaana gar gaar caafimaad kadib hada uu soo wanaagsanaanayo.

Wariyaha ayaa la sheegay inuu ka baxay dhiig badan islamarkaana xalay lagu shubay dhiig maadaama rasaasta lagu riday ay kaga dhacday intooda badan qeybaha sare ee jirkiisa taasina ay keentay inuu aad udhiigbaxo.

Ilaa hada lama garanaayo cida sida dhabta ah uga dambeysa dhaawaca wariyaha loo geestay iyaga oo doonaye kooxaha hubaysan inay dilaan wariyaha hayeeshe ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay rasaas ku fureen kooxaha hubaysan kadibna halkaasi ay ka carareen.


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO