Wariye Xalay Lagu Dilay Magaalada Laascaanood
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool waxaa halkaasi xalay lagu dilay wariye ka shaqeyn jiray TV-ga afka Soomaaliga ku hadla ee Universal.
Wariyaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Faarax Ilyaas “Axmed Saakin” waxaana uu wakiil uga ahaa TV-ga Universal Magaalada Laascaanood ee Gobalka Sool oo uu uga soo warami jiray.
Allaha unaxariistee Wariye Axmed Saakin ayaa waxa dilkiisa inoo xaqiijiyay Tifaftiraha Tv-ga Universal Ridwaan Xaaji Cabdi Wali
Ridwaan ayaa wuxuu sheegay in wariyahooda uga soo warami jiray Magaalada Laascaanood kooxo hubaysan oo aan la garaneyn ay toogteen xilli uu gurigiisa kusii jeeday.
Wuxuu sheegay in maamulka Soomaaliland ee ka arimiya halkaasi ay ka dalbanayaan inay si dhaqsi leh ubaaraan dilka wariyaha islamarkaana gacanta lagu soo dhigo cidii ka dambeysay dilkaasi.
Lama garanaayo cida ka dambeysa dilka wariyaha hayeeshe xalay ayaa Magaalada Laascaanood lagu toogtay.
Magaalada Laascaanood ayaa waxa ay kamid tahay deeganada maamulka Soomaaliland ee dilalka loogu geesto wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ka howlgala deeganadaasi.
Ilaa hada maamulka Magaalada Laascaanood ee Soomaaliland wax war ah kama soo saarin dilka loo geestay wariyaha.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


