wasiirka wasaaradda dib-u dejinta Somaliland loo magacaabay hogaamiyihii SSC
Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa wasiirka wasaaradda dib-u dejinta Somaliland loo magacaabay Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), iyadoo wareegtada lagu sheegay inuu wasiirka cusub leeyahay kartida iyo aqoontada wasaaradda loo magacaabay, isla makaana uu hanan karo xilka loo magacaabay.
Wareegtada oo uu ku saxiixnaa afhayeenka madaxooytada Somaliland ayaa sidoo kale lagu magacaabay wasiirka wasaaradda warshadaha ee Somaliland oo loo magacaabay Cabdisalaan Maxamed Xasan.
Magacaabidda Saleebaan Xaglo-toosiye ayaa la rumeysan yahay inay timid kaddib wada-hadal dhex maray isaga iyo madaxweynaha Somaliland.
Xaglo-toosiye wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiintii dhidibbada u aasay maamulka Khaatumo ee horraantii sanadkan lagaga dhawaaqay magaalada taariikhiga ah ee Taleex ee gobolka Sool.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


