wiil jaceyl dartiis la sumeeyay (QISO MURUGO IYO NAXDIN LEH)

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaliya ayaa waxa ka dhacday arin layaab leh taasi oo qofkii looga sheekeeyo murugo ku reebeyso.

Labo wiil oo saaxbo ah ayaa wada shukaansan jiray gabar degganeyd xaafada Baar ubax ee muqdisho inkastoo labadooda is ogeyn in gabadha ay wada shukaansadaan hase-ahaatee gabadha ayaa labada wiil ee saaxibada ah iyadu isku dul waday.

Mid ka mid ah wiilasha ayey gabadhii aad ujecleyd iyadoo ka kalena umuujineysay in isaga ay jeceshahay qalbigeeduse waxa uu jiray midka kale.

Iyadoo maalin labada wiil ay wada socdaan mobiladoodana uu midba midka kale hayo ayaa midkood wiilasha waxaa soo wacday gabadhii ay wada shukaansanayeen islamarkaana ay numberkeeda lawada yaqaan.

Wiilasha kii hayey mobilka soo dhacay oo ahaa midkii aysan gabadha ku qanacsaneyn ayaa intuu naxay udhiibay saaxbkiis kadibna wiilkii baa lahadlay.

labo maalmood kadib ayuu wiilkii gabadha jeclaa hayeeshee iyadu aan jecleyn waxa uu go’aan ku gaaray inuu gabadha keli ku noqdo isagoo saaxiibkiis buur dheer ka tuuraya.

waxa uu ku marti qaaday maalin gurigiisa gabadhii uu jeclaa iyo saaxiibkiis isagoona ku marti sooray raashin aad umacaan iyo gacan dhaweys wanaagsan hayeeshee saaxibkiis dhinaciisa ayuu sun ugushubay.

isbuuc gudahood ayuu wiilkii udhintay allaha unaxariistee wiilkii sunta raashinka dhinaciisa lagu daray iyadoo gabadhiina uu sidaa ku guursaday wiilkii soo haray inkastoo ilaa iminka aysan ogeyn hagardaamadii uu maleegay caruuska cusub.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO