Xildhibaano Sheegay Inay Jiraan Hey’ado Ajaanib Ah Oo Si Sharci Darra Ah Ooga Howgala Muqdisho
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Shirkado iyo Hey’ado ajaaniib ah ay si sharci daro ah uga howl galaan Magaalada Muqdisho, iyagoo dalbaday in Baarlamaanka la hor-keeno sida ugu dhaqsiyaha badan.
Shirkadaha ayaa isugu jira kuwo duulimaad, Hey’ado iyo wakaalado, kuwaasoo si qarsoodi ah xarumo ugu leh Xerada Xalane iyo garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Cabdalla Boos Axmed ayaa shalay ka hor sheegay Baarlamaanka inay dalka ka howl galayaan shirkado ajnabi ah oo si sharci daro ah dalka ku jooga, isagoo cadeeyay inay ka mid tahay shirkada Duulimaadka SKY iyo ilaa sideed shirkadood.
Sidoo kale Xildhibaan Xagaaf oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ayaa dhankiisa cadeeyay in Hey’ado iyo wakaalado ay gudaha Muqdisho ka howl galaan, kuwaasoo aan sharciyeysaneyn, isla markaana qaarkood aysan noqon karin wakaalado shaqeeya.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan ayaa sheegay sanadkii hore inay jiraan Hey’ado ku sugan Xalane, isagoo ka dalbaday inay isa soo diiwaan geliyaan, kana soo baxaan xerada.
Xerada Xalane ayaa ah Talis weyn oo Ciidamada AMISOM si aad ah u ilaaliyaan, halkaasoo dhowaanahan lagu kordhinayay dhismayaal casri ah, oo isugu jira xafiisyo iyo guryo la seexdo, waxaana ay u muuqataa goob iskeed u madax banaan oo sida dowlad oo kale, waxaana degan saraakiil cadaan ah oo isugu jira Sirdoon iyo kuwa ka tirsan hey’adaha caalamiga.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


