Xulalka U Soo Baxay Koobka Qaramada Afrika 2013

Cameroon ayaa u baahneyd inay guul u dhiganta ama ka badan 2-0 ka gaarto Cape Verde madaama kulankii lugtii hore sidaas looga soo badiyay, laakiin inkastoo Samuel Eto’o uu ku soo laabtay xulka qaranka, waxa ay awoodooda noqotay kaliya inay ku badiyaan 2-1.

Taas ayaana keentay in Cameroon ay mar kale ka harto koobka qaramada Afrika ee sannadka soo socda ka dhacaya South Afrika, laakiin Cameroon waxa ay u dabaaldegeysay gool uu u dhaliyay 16 jir ay xulka ugu horeysay Fabrice Olinga kaasoo ka soo baxay akadeemiga Samuel Eto’o Foundation, waxaana goolka u dhigay macalinkiisa Eto’o.

Hadaba wadamada soo baxay ee ka qeyb qaadanaya koobka qaramada Afrika ee 2013 ka dhacaya South Afrika waa sida tan:

South Africa, Zambia, DR Congo, Ethiopia, Nigeria, Niger, Ghana, Mali, Togo, Burkina Faso, Angola, Cape Verde, Algeria, Morocco iyo Tunisia.

Ethiopia ayaa u soo baxday koobka kama danbeysta qaramada Afrika markii ugu horeysay tan iyo 1982dii, ka dib markii ay 2-0 ku garaaceen Sudan iyagoo ku soo baxay sharciga goolasha martida ah, halka Niger ay iyadana 2-0 kaga naxsatay Guinea.

 

 

Burkina Faso ayaa u baahneyd gool uu u dhaliyay dhamaadkii ciyaarta Alain Traore si ay u xaqiijistaan guul 3-1 ah oo ay ka gaareen Central African Republic, waxaana ay si ciriiri ah uga fakadeen in sharciga goolasha martida ah looga badiyo.

Gool dahabi ah oo uu Emanuel Adebayor u dhaliyay Togo ay u sahashay inay 3-2 ku garaacaan Gabon, halka ciyaaryahankii hore ee Manchester United Manucho uu ahaa geesiga Angola, isagoo labo gool uu dhaliyay ay keentay inay xulkiisa 2-0 kaga talaabsadaan Zimbabwe.

DR Congo ayaa looga badiyay 2-1 kulankii ay la ciyaareen Equatorial Guinea markii hore, laakiin waxa ay ku soo baxeen wadar ahaan labada lug si raaxo leh 5-2, halka Algeria ay ku garaacday xulka ay kawada dhisan yihiin Waqooyiga Afrika ee Libya 2-0, waxaana ay wadar ahaan labada lug ku soo baxday 3-0.

Ghana, Mali, Morocco, Nigeria, Tunisia, iyo xulka difaacanaya koobka qaramada Afrika ee Zambia ayaa dhamaantood soo baxay ciyaarihii ay ciyaareen habeenkii sabtida.

Ivory Coast ayay u badan tahay inay ku biiri doonto xulalka soo baxay ka dib markii ciyaartii ay la lahaayeen Senegal la joojiyay markii taageerayaasha Senegal ay garoonka ku soo duuleen, laakiin xiriirka kubada Afrika CAF ayaan weli ka hadlin arintaan.


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO