Yemen Oo Qabatay Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Al-qaacida Oo Ka Yimid Soomaaliya

Saraakiil ka tirsan Yemen ayaa xaqiijiyay inay gacanta ku dhigeen Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Qaacida, kaasoo dhowaan lagu qabtay xeebaha dalka Yemen, kadib markii uu ka yimid Soomaaliya.

Warbaahinta Yemen ayaa sheegtay in Sarkaalkan Ajnabiga ee Al-Qaacida ka tirsan lagu qabtay xeeb u dhow Gobolka Xadarmuut ee dalka Yemen, kaasoo dooni la socday.

Sida lagu qoray mid ka mid ah Wargeysyada maalinlaha ee ka soo baxa Yemen Sarkaalkan Ajnabiga ayaa doonayay inuu si dhuumaaleysi ku galo Yemen, kadib markii uu ka soo baxsaday Koofurta Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in ninkan oo aan la aqiijin dhalashadiisa, balse la rumeysan yahay inuu ahaa sarkaaiisha ajaaniibta ee ka bar bar dagaalanta Shabaab in dooni yar ka soo raacay todobaadkii hore meel ka mid ah Koofurta Soomaaliya.

Ajaaniibta ka bar bar dagaalanta Shabaab ayaa bilaabay inay kala firxadaan, kadib markii dhowaan laga qabsaday magaalooyinka muhiim ah sida Kismaayo.


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO